SHARE

Maxkamad ku taala Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika ayaa xukun 35 Sano oo xasbi ah ku ridday nin hore u dilay muwaadin soomaali ah.
Nin koonfur afrikaan ah oo lagu magacabo John Arnoldus ayaa lagu helay in uu ka mid yahay burcadda dadka dila ee dalkaasi.

Ninkan oo 32 jir ah ayaa mudo labo sano ah kahor waxaa uu dilay Muwaaddin Soomaali ah oo dukaan ku lahaa Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Booliska koonfur afrika ayaa xeray sanadki hore waxaana ay mudo kuwadeen baritaano la xeriira kiiskiisa ugu dambeyn ayay todobaadkan geeyeen maxkamadada.

Maxkamadda Magaalada Cape Town ayaa John Arnoldus ku xukuntay 35 Sano oo Xabsi ah, waxaase sharci yaqaanada qaar ku andacoonayaan inuu mudnaa xab daa’in .

Dalka koonfur afrika ayaa lagu dhibaateeyaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan iyadoo sanad waliba tiro badan oo Soomaali ah lagu dilo dalkaasi.

LEAVE A REPLY