SHARE

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa meel mariyay “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED” oo qeexaya in dalka laga mamnuucay shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kullankii maanta ay isugu yimaadeen Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyay EERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.
Xeerkaan qodob ka mid ah waxa uu si rasmi ah dalka uga mamnuucayaa shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada waxaa la hadlay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaam “Jawaari ” , Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cawad oo xeerkan Akhriyey.

LEAVE A REPLY