SHARE

Waxaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Lagu qabtay Barnaamijka Soo Bandhigida Farshaxanka Qarsoon ee Haweenka Naafada ah ee Soomaliyeed.

Barnaamijkaan oo Lagu Soo Bandhigayay Wax qabadka Haweenka Nadafada ah ee Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Gabdho Naafo iyo Indhoolayaal ah, Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Dhanka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Guddomiyaha Ururka Hawenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabbale iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir marwo jawaahir Maxamud Jaamac(Barqab).

Sidoo kale waxaa munaasabada ka soo qeyb galay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigilinta Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure iyo Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Diini Maxamed Diini, waxayna dhamaantood Dumarkaan baahiyaha gaarka ah qaba ku amaaneyn dadaalkooda, waxayna ku baaqeyn in la garab qabto.

Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma ayaa ku amaantay Haweenka Naafadda Wa qabadka ay Soo Bandhigeen Waxayna ku Bogaadisay in ay Halkooda Kasii Wadan Dadaalkooda.

Waxay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhiirgelinayo horumarka Haweenka Naafada Soomaaliyeed uuna ku garab istaagayo wax walba oo ay awoodaan.

LEAVE A REPLY