SHARE

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya General C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa gaaray Magaalada Doha ee wadanka Qadar
Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Bada ee soomaaliya iyo Gudoomiyaha gudiga Difaaca golaha Shacabka
S/gaas C/wali Jaamac Xuseen Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kulmay Wasiirka Difaaca Qadar Khalid bin Mohammad Al Attiyah isagoona kala hadlay dhismaha Xarumaha Ciidanka xoogga dalka iyo Xoojinta ciidanka xoogga dalka
Wasiirka Difaaca Qadar Khalid bin Mohammad Al Attiyah waxa uu dhankiisa sheegay in dowlada Qadar ay taageero siineyso dowlada Soomaaliya waxa uuna dhanka kale balan qaaday in Qadar ay dhiseyso xarumaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya

LEAVE A REPLY