SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed c/llaahi Farmaajo oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Gen. Kaahiye.

Madaxweynaha ayaa la kulmay saraakii ka tirsan Booliiska Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Caqabadaha ku hor gudban.

Taliska Booliiska ayuu kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan waajibka ka saran Dalka, Dadka iyo Diinta, si gaar ah madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa xooga saaray sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY