SHARE

Majiro Qodob dastuuri ah oo Kahor istaagaya Xildhibaanada 275-Ka ah ee Golaha Shacabka iney utartamaan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu wixii maanta ka danbeeya toos uga dagayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Jawaari Kursigan waxa uu ku fadhiyay wax ka badan 5 Sano iyo Bilooyin, Waxa uu soo bilaabay Hogaaminta Baarlamaanka Sanadii 2012,.

Waxaa jira hardanka oo bilowday taasoo ku qotonta in Kursiga lagu koobo oo kaliya iney utartamaan beesha uu Jawaari ka soo jeeday, Waxaase durbadiiba baraha Bulshada lala wareegayaa Boorar ay ku xardhanyihiin Sawiranta Musharixiin aan eheyn kuwii loo filanayay oo Beelo kale ka soo jeeda.

Siyaasiyiinta qaar iyo Xubno xilal ka haya dalka ayaa dadaal iyana ugu jiro inuu wax iska badalo Habka awood qeybsiga beelaha ee Kuraasta ugu sareysa dalka.

Dadka sawiradiisa meelaha la wad wado waxaa kamid ah Xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali, Cosoble hadey dhacdo inuu kursigaa utartamo misana ku guuleysto, Waxaa Meesha isaga tagayo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya.

Cida utartami karta Kursigaa xitaa waxey ku furantahay Xildhibaanada ku heybta ah Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, Isaguna qof ay isku beel Yihiin haduu soo boxo maalin Cad ayuu isaga tagayaa Hogaaminta dalka.

Xildhibaan Maxamuud macalin Yaxye waa Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golaha Shacabka, Wuxuuna ka midyahay dadka ay kujirto damaca ah armaad kursigan Banaan ku fariisataa, Wuxuu sheegayaa in Beeshii kursigan ku fadhiday uun ay ubanaantahay utartamideeda, hadii taas laga weeciyana ay tahay in la sameeyo Xiisado siyaasadeed iyo dagaal hor leh.

Xildhibaan Kale ayaa isaguna qaba in Xilalka Gudoomiyaha, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad iyo Kan Labaadba hadey banaanyihiin ay utartami karaan Qofkii doono, Waloow Tusaalooyin buuran aanu bixin, hadana wuxuu umuuqdaa mid difaacaya iney Beelaha dhan utartami karaan Kursigan Hada Banaan.

Senetar Mustaf Maxamed Qodax,ayaa sheegaya in Banaanshaha kursigii Jawaari ay Xiiso cusub ku soo kordhisay Siyaasada oo xiligan damac uu soo Galay beelo aan marki hore hamin Jirin iney tartamaan.

Senator Qodox ayaa sidoo kale sheegaya in hada Kuraasta Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisul Wasaaaraha oo sid auu leeyahay beelo gaara uxirnaa ay suura gal tahay iney isbadalaan.

Ninka Kursigan maanta ka sii dagaya ee Jawaari oo Mooshin laga keenay darteed isu casilay ayaa isaguba aanu jirin qodob ka reebaya inuu utartamo Gudoomiyenimada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa Isagu ugu danbeyn ka hadlay Dooda la xiriirta Cida ay tahay iney utartanto Kursigan Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

 

LEAVE A REPLY