SHARE

War ka soo baxay Taliska Militariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFricom) ayaa lagu sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow degaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii ee la soo dhaafay.

Taliska Mareykan ee Afrika ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntan lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa,kaasi oo maleeshiyada Alshabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka

Maraykanku ma sheegin qasaaraha rasmiga ah weerarkaasi ka dhashey,hase yeeshee waxay sheegeen inay iskaashi la sameeyeen dawladda Soomaaliya si duqayntaasi loo gaysto.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay maleeeshiyaadka ururka Al-Shabab

Mareykanka ayaa sii kordhiyay weerarara ka dhanka ah Al-shabaab,kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu soo saaray go’aano ku aadan xoojinta bartilmaameedka Shabaab,si loo taageero dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY