SHARE

Wafdigan ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo ay so dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaso iyo madax ka tirsan Dowlada Goboleedka Puntland.

Waxaa kamid ah xubnaha wafdigan Wasiirka Amniga uu hogaaminayo,Wasiirka Beeraha XFS Mudane Siciid Xuseen Ciid,siihayaha Wasaaradda Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim,xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraaid uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faah faahiyay ujeedka socdaalkiisa.

“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada boosaaso iyo dowlada Goboleedka Puntland  sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo,Xukuumaddu markasta waxaa ay garagtaagan tahay dhaqanka maadaama ay yihiin as askii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay halbalyo”.

 

LEAVE A REPLY