SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa Bisha soo socota billowgeeda ka furmaya shir looga hadlayo ka hortagga ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya.

Shirkan waxaa marti gelineysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana ka qeybgelaya khubarro dhinaca degaanka ah oo Soomaali iyo ajaanib isugu jira.

Waxaa uu shirka furmi doonaa 7 May,waxaana uu soconayaa labo maalmood kaas oo looga gooleeyay joojinka ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya.

Shirkan waxaa taageereysa Qaramada Midoobey hay’adaheeda Horumarinta Mashaariicda, Degaanka iyo Beeraha,waxaana xoogga lagu saarayaa joojinta dhuxusha Soomaaliya ee dibadda loo dhoofiyo.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey 8.1 Milyan oo Geed ayaa la jaray intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2017,iyada oo musiibooyinka ka dhashay jarista dhirta ay ka mid tahay kuleylka badan,Roob yarida iyo isbeddelka Cimillada.

Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan xoogga lagu saarayo joojinta adeegsiga dhuxusha ee gudaha Soomaaliya iyo dhoofkeedaba.

Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 2012kii sharci darro ka dhigtay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya,hayeeshee waxba iska meddelin xeerarka Qaramada Midoobey waxaana dalka wali ka socda adeegsiga dhuxusha ee gudaha iyo dibadda.

LEAVE A REPLY