SHARE

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwyenihii hore ee Soomaaliya oo ka qeyb-qaatay Bixinta Lacag Qalniin loogu sameynayo Wiil Sanno jir ah oo ay Buro uga taalla Wijiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10 kun oo dollar guddoonsiyey waalidiinta  Masacuud Xasan Hiraabe oo ah Wiil saddex sanno jir isla markaana la xannuunsanaya Buro uga yaalla qeybta hore ee Wijigiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay garab taagnaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, agaasimaha Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradd Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale ayaa lacag dhan 10,000 oo dollar oo  ay wax ka bixiyeen Ganacsato Soomaaliyeed guddoonsiiyey Xasan Hiraabe oo ah Aabaha Masacuud.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ayaa yiri “Masacuud waxaan u rajeyneynaa in Qalniinka lagu sameyn doono lagu guuleysto, Dadka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay is gargaaraan maadaama ay maalmo yar ka harsan tahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, si gaar ah waxaan ugu baaqayaa in la caawiyo dadka Fuqarada ah oo afurin loo sameeyo”.

Ugu dambeyn Xasan Hiraabe ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh dedaalka uu ku bixiyey sidii loo heli lahaa lacagtan oo ay ku xirneyd Qalniinkii lagu sameyn lahaa wiilkiisa yar ee Masacuud oo muddo la xannuunsanayey Buro uga soo baxdey Wijiga hore ee jirkiisa.

 

 

LEAVE A REPLY