SHARE

Warar horu dhac ah oo laga helaya Natiijooyinka doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalka Ciraaq Sabtidii ayaa tilmaamaya in labo xisbi siyaasadeed oo kale ay dhanka codadka kaga horreeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Raisul Wasaare, Haider al-Abadi.

Natiijooyinka ayaamuujinaya in Codadka intooda badan la tiriyey ku dhawaad kala bar gobolada dalka, xisbiga siyaasadeed ee uu hoggamiyo wadaadka shiicada ah ee lagu magacaabo Moqtada al-Sadar ay u muuqda in uu kaalinta hore kujiro doorashada.

Hoggaamiye Muqtada –Alsadar ayaa soo baxay kadib markii la riday madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, asagoo ahaa hoggaamiye koox dhalin yaro ah oo kadhisan deegaan aad sabool u ah oo kamid ah magaalada Baqdaad ee casimadda Dalkaasi Ciraaq.

Hoggaamiyihii ku guuleysta doorashadda madaxtinimo ee dalkaasi Ciraaq ayaa waxaa horyaala caqabado dhowr ah ,waxaana ugu horeeya xal u helista loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya iiraan iyo Mareykanka oo ah labad dowladood oo galangal xoogan ku leh arrimaha siyaasadeed ee Ciraaq.

LEAVE A REPLY