SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay  kormeer ku tagay qaar kamid ah baraha ciidan ee kuyaala degmooyinka iyo duleedyada Muqdisho,isagoo kulamo la qaatay saraakiisha iyo ciidamadooda.

Ujeedka kormeerka raiisul Wasaaraha ayaa laxiriiray u kuurgalka xaaladda guud ee amniga caasimadda Muqdisho,si loo dareensiiyo ciidamada in madaxdooda ay ka warqabaan xaaladooda,isagoo xogwareysina la yeelanayay ciidamada Xasilinta.

Waxaa ku wehliyay kormeerka raiisul Wasaaraha Soomaaliya Wasiirka Amniga,taliyaasha Nabad sudigga Booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka,

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa faah faahiyay ujeedka kormeerkooda.

“kormeerkaais shaqo wuxuu ahaa u kuurgalka xaaladda amn,waxaan ka bilownay Madaxtooyada,Deyniile,Jasiira Treedishe kaxda, Hadafkeyna wuxuu ahaa in aan la qeybsano ciidamada waqtigooda maadaama aan mas’uuliyiintii nahay,marka sidaasi ayuu raiisul wasaaraha nugu horkayay,shacabka Soomaaliyeed waaxaa ay ogaanayaan in aan markasta u taagan nahay horumarkooda,waxaana alle ka rajeynaynaa in umadda Soomaaliyeed ay kunoolaadaan amni iyo barwaaqo”. Ayuu yiri wasiir Ducaale.

Wuxuu kormeerkani uu qeyb ka yahay dadaalo ku aadan sidii ciidamada  Xasilinta loogu dhiirogelin lahaa xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho,kuwaasi oo fariisimo ciidan ku leh gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho,ciidankaasi oo ah mid isku dhaf ah oo ay diyaarisay Xukuumadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY