SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa joojiyey Isticmaalka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo markii hore aheyd wadada kaliya ay Isticmaalaan kadib markii ay kordheyn weerarada ka dhaca duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle islamarkaana wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay iney joojiyeen Isticmaalka wadadaasi kadib Markii dhawaan lagu dilay Labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, horane dad kale loogu dilay.

LEAVE A REPLY