SHARE

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ilaa 9 ruux ay geeriyootay kadib markii doon ay saarnaayeen oo ay Wabiga ku marayeen ay la gadoontay halka dad kale la soo badbaadiyey.

Doontaan ayaa ka baxday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo ku sii jeeday degmada Owdheegle maadaama Wadada u dhaxeysa labada degmo uu gooyey fatahaad uu Wabiga Shabelle ka geystay tuulooyinka hoostaga Afgooye.

Wariyayaal ku sugan Afgooye ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in Doonta ay rogmatay xilli ay mareysay tuulada Raqayloow,isla markaana ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo isugu jira rag iyo Dumar halka 20 kale la soo badbaadiyey.

Dad ku sugan tuulada Raqaylow ayaa iyana waxa ay sheegeen in dadkii laga soo badbaadiyey doonta la rogmatey la dib loogu soo celiyey degmada Afgooye oo markii hore ay ka tageen,isla markaana xaaladooda ay tahay mid wanaagsan.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dhacdadaas balse nooma suurtagelin,waxaana weli xiran Wadada xiriirisa Afgooye iyo Owdheegle oo ay isugu darsameen fatahaada Wabiga iyo roobkii ka da’ay.

LEAVE A REPLY