SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay Xero Carruurta Agoonta lagu xanaaneeyo oo ku taalla Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Dabka uu ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa sababay ayaa guddoomiyaha Xeradaas Cismaan Guureege,waxa uu sheegay in lagu fuuleystay deminta dabkaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ayaa waxa ay dheegeen in iyaga oo kaashanaya shirkadaha Biyaha sifeeye ee Garoowe ay demiyeen dabkaas,iyaga oo uga mahad celiyey.

Sikastaba ha ahaatee dabkaas ayaa khasaaraha ugu badan waxa uu u geystay qeyb ka mid ah xarunta oo uu baabi’iyey sida ay sheegeen qaar ka mid ad dadka gurmad u sameeyeen.

LEAVE A REPLY