SHARE

Waxaa Shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ee u dhaxeeyay Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaia Afwerki leys kula meel dhigay qodobo dhowr ah.

Hogaamiyaasha labada dal ayaa isla meel dhigay in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan.

Labada dal ayaa horay u gaaray heshiis nabadeed sanadkii 2000 kaas oo meesha ka baxay, kadib markii Itoobiya ay diiday inay aqbasho heshiiskii kama dambeysta oo dhigayay in dalka Eriterea lagu wareejiyo dhulka muranka uu ka taaganyahay oo ay kamid tahay magaalada Badme.

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in dib boorka looga jafo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal.

Abiy Ahmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea Isaia Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara. Waa markii ugu horeesay oo madaxda labadan dal ee dariska ah ay kulmaan muddo labaatan sano ah.

LEAVE A REPLY