SHARE

Wararka laga helayo Kenay ayaa sheegayaa in Al-Shabaab ayaa weerareen saldhig Ciidamo kabtirsan kuwa booliska kenya ku leeyihiin deegaanka Hamey ee hoostagta Waaxda liboi ee Gobolka Waqooyi Bari

Koxda Alshabaab  ayaa la sheegay in weerarkaan oo Dhacay Saqdii Dhexe ee Xalay ay Qoryaha Daran Dooriga u Dhaca La Bartilmaameed Sadeen Saldhig ay Degaankaasi Kaga Sugnaayeen Ciidamada booliska Kenya.

Weli lama shaacin khasaaraha guud ee kabdhashay weerarkaaas,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan booliiska kenya oo ku sugnaa deegaanka la weeraray.

Warbaahinta Dowladda Kenya oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan halka ay kasoo weerar tageen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY