SHARE

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa Shaqa joojin loogu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle(Yuusuf Jaale)

Wareegtada ayaa waxaa la ogeysiiyey ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda,Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in Shaqa joojin lagu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Sidoo kale waxaa loo cugsaday Shaqa joojintaas,in ay muhiim noqotay in la dardar geliyo shaqada Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada,iyo marxaladaha xasaasiga ah ee uu marayo dib ula soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xilkii Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada si KMG ah loogu dhiibay in uu u sii hayo ku xigeenka Maareeyaha Mudane Axmed Macalin Xasan.

LEAVE A REPLY