SHARE

Kullankii labaad ee wareegga Semi Final-ka Koobka Adduunka 2018 ayaa caawa la ciyaari doonaa iyadoo ay is fara saarayaan xulalk England iyo Croatia.

France ayaa iska xaadirisay kama dambeysta koobka adduunka iyagoo xalay ku dhaafay Belgium gool uu madaxa ku dhaliyay difaaca Barcelona ee Samuel Umtiti.

Yaa ka maqan labada xul, yaase dib loo heli doonaa:

Xulka qaranka dalka Croatia ayaa weyn doona difaacooda midig ee Simo Vrsaljko kaasoo dhaawac kaga baxay kullankii ay kasoo gudbeen dalka Russia.

Danijel Subasic ayaa shaki laga gelinayay kullankan maadaama uu dhaawac kasoo gaaray muruqa cajarka ciyaart Ruushka balse tijaabo la mariyay ka dib waxaa la xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro.

England ayaa dib u heli doonta Jordan Henderson kaasoo dhaawac yar qabay, sidoo kale Jamie Vardy oo ka sheeganayay gumaarka ayaa hadda fiyoobi qaba, waxaana shalay si buuxda tababarka kaga qayb qaatay guud ahaan 23-ka xiddig ee Macallin Gareth Southgate usoo xushay Koobka Adduunka.

Safafka macquulka ah ee ay labada xul kusoo billaabi karaan ciyaartan:

Croatia: Subasic; Corluka, Lovren, Vida, Strinic; Brozovic, Rakitic, Rebic, Modric, Perisic iyo Mandzukic.

England: Pickford; Walker, Stone, Maguire; Trippier, Alli, Henderson, Lingard, Young; Sterling iyo Kane.

Xaqiiqqoyinka kullanka Croatia iyo England:

Waxa ay labada xul ciyaari doonaan markoodii siddeedaad, waxaana xulka England uu adkaaday afar jeer, halka Croatia ay guul heshay labo ciyaarood kan kalena ay bareejo galeenn, iyadoo toddobaas kullan la ciyaaray Arbaco lix ka mid ah.

Hal jeer oo keliya ayay labada xul ku kulmeen koob weyn xilligaasna waxaa 4-2 ku adkaaday xulka England kullan ka tirsan wareeggii Group-yada ee koobka qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2004.

England ayaanan hal Koob Adduun gudahiisa qasaaro kala kulmin laba xul oo Europe ah tan iyo 1982 xilligaas oo ay qasaaro kala kullantay Czechoslovakia iyo France.

Croatia ayaa ciyaareysa markeedii labaad wareegga Semi Final-ka Koobka Adduunka markii labaad maadaama ay horay usoo tiigsadeen sanadkii 1998.

Croatia ayaa keliya hal jeer laga adkaaday lixdii mar oo ay ciyaareen wareegyada Bug-baxda Koobka Adduunka halkaas jeer waxaa garaacay France 1998.

 

LEAVE A REPLY