SHARE

Afar iyo toban beri ka hor xaakim heer federaal ah ayaa dowladda Mareykanka ku amray in la sii daayo caruurta da’doodu ka yartahay 5 sano oo lagu hayo xarumo ay dowladda leedahay.

Waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan caruuta lala mideeyo waalidiintooda.

Qaar ka mid ah caruurtan ayaa waxa lagu hayaa goobo kumanaan kilo mitir u jirta halka ay waalidkood ku noolyiiin.

Dowladda Mareykanaka ayaa sheegtay in haatan ilaa afar caruur ah ay la midoobeen waalidkooda halka 34- kalana lagu wado in maalinta talaada ah loo geeyo waalidkooda.

Waxa ay sheegeen in 75 caruur ah oo kaliya ay macquul tahay in lala mideeyo waalidkooda saba la xiriira dhanka gaadiidka iyo waalidiinta qaar oo maxaabiis ah.

Garyaqaanada ayaa dowladda ku dhaleeceyay in xitaa aysan isku dayin in ay la xiriiraan waalidinta caruurta dhalay.

LEAVE A REPLY