SHARE

Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in Koox looga shakinsan yahay inay yihiin maleeshiyaad islaamiyiiin ah ay 8 qof ku dileen gobol ku yaalla dalka Mozambique.

Waxaa Weerarka lagu qaaday gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique uu noqonaya kii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhaca.

Labo weerar ayaa horraantii toddobaadkani lagu soo warramay inay dhaceen Mozambique.

Jornaal gaar loo leeyahay ayaaa kusoo warramaya in tuulada Macanga ee ku taalla degmada Palma weerarka lagu qaaday Sabtidii halkaaso guryo badan oo aanan la tiradoodu la sheegin lagu gubay.

LEAVE A REPLY