SHARE

Ururla Alshabaab oo ku sugan magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku amreen shacabka in ay caruurtooda ku soo wareejiyaan,si loo askareeyo taasi oo dhalisay muran xoogan.

Dadka Magaaladaasi kunool  ayaa arinkan kasoo horjeestay waxa ayna taasi keentay in  la xir xiro qaar kamid ah dadka deegaanka,gaar ahaan tiro haween ah oo xabsiga loo taxaabay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa Sheegaya in la xiray 5 qof oo rayid ah oo kala ah Sedex raga ah iyo Labo dumar ah,kuwaasi oo ka biyo diiday in caruurtooda ay dhiibaan.

Al-Shabaab ayaa sidan oo kale waxa ay ku amreen dadka deegaanka Caad oo isla gobolka Mudug ka tirsan in caruurtooda ay ku biiriyaan iyaga, balse dadka oo arintaa ka dhiidhiyay ayay gaartay in dagaallo toos ah ay la galaan Al-Shabaab, inkasta oo markii danbe Shabaabku ay ka awood bateen dadkii deegaanka ee la dagaalamay.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin ALshabaab,waxaana muddooyinkan dambe uu jiray khilaaf u dhexeeyay alshabaab iyo dadka deegaankaasi.

LEAVE A REPLY