SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in hal ruux uu geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib israsaaseyn ka dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,taasi oo u dhexeysay dhalinyaro deegaanka ah.

Dahcdadan ayaa timid markii dhalinyaro hubeysan ay qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha ka bilaabeen dhagax-dhig,taasi oo ay ka biyo diideen dhalinyaro kale,waxaana halkaasi ka dhashey qasaare.

Dadka deegaanka ayaa sheegeen in ruuxa israsaaseyntaas ku dhintay uu ka mid ahaa ilaalada Garoonka,isla markaana Magaciisa lagu soo gaabiyey Birre,kaasi oo goobtaasi ku sugnaa xiliga iska hor imaadka uu dhacayay.

Majiraan wax war ah oo ka soo bxabay maamulka magaaladaasi Gaalkacyo, eek u aadan falkaasi dhacay.

Xiisada dhalisay Gacan ka hadalka ayaa horay u soo jirtay balse wadahadal ka dib la xaliyey wallow Maanta ay dib u soo cusboonaatey,waxaaan weli soconaya dadaalo lagu xalinayo waxyaabihii murankaasi dhaliyaya.

LEAVE A REPLY