SHARE

Waxaa isbedel lagu sameeyey madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud,iyada oo Madaxweyne Cusub la Magacaabay,kadib maalko rabshado halakasi ka dhacay.

Guddiga fulinta ee dowlad deegaanka  Soomaalida Itoobiya ayaa shalay waxa ay Madaxweyne u Magacaabeen Axmed Cabdi Maxamed,waxaana isbedelka laga filan karo iyo rajada Shacabka ka hadlay Ururka ONLF.

Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale Waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Cusub oo saxaafadda la hadlay ayaa ka hadlay qorshihiisa ku aadan isbedel lagu sameeyo howlaha maamulka cusub,islamarkaana la dejin doona xisadahaasi colaadeed.

LEAVE A REPLY