SHARE

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Muran xoogan uu ka taagan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya,kadib markii gudiga shqaalah arayidka uu ka soo horjeestay talaabadaasi.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ayaa waraaq u qoray 5-tii bishan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

Guddiga ayaa si rasmi ah uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyahaya waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dowladda u yaalo.

Sidoo kale Wuxuu guddiga xusay in xoghayaha xilka laga qaaday uu markii hore ku imaaday magacaabis Ra’isulwasaare haddana loo baahan yahay inuu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaado.

Waxaa uu Guddiga ku dooday inaysan ansax aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Debadda  maadaama aan loo marin sida ay sheegeyn wadadii saxneyd isla markaasna aysan jirin sababo kale oo keeni karo inuu xilkiisa ku waayo.

Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayy gudiga ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xilkiisa loogu soo celiyo xoghayihii joogatada ahaa ee Wasaaradaas Cali Maxamed Cali.

26-ka Bishii July ayey aheyd markii xilka laga qaaday Cali Maxamed waxyana wasaaradda xilkaas u magacowday Danjire Saciid Xaaji Maxamuud.

Sidoo kale xoghayihii xilka laga qaaday ayaa isna loo magacaabay waqtigaas La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda.

LEAVE A REPLY