SHARE

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Jowhar waxa uu kulan kula qaatay Saraakiil sar sare oo ka socotay Midowga Africa.

Kulanka oo ay ku wehlinayeen  Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen Wasiirka Amniga Iyo Dhaqan Celinta ,Saraakiisha Booliska Hirshabelle ayaa waxa ay uga hadleen labada dhinac arrimo dhowr ah,gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Ujeedka Kulanka ayaa Waxuu ahaa Xoojinta Xiriirka Midowga Africa Iyo Dowlad Goboleedka Hir-shabelle,iyo sidii howlgallo amniga lagu xaqiijinayo looga fulin lahaa deegaanada ay Maamulka Hir-Shabeelle kaga sugan yihiin Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu uga mahad celiyey Madaxda Midowga Africa sida wanaagsan ay maamulkiisa uga taageeraan dhinacyada amniga iyo Dhaqaalaha.

Deeganada Hirshabeele ayaa inta badan ka dhacay weeraro ay geystaan alshabaab,balse waxaa bar bar socda howlgalo ay sameynayaan militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY