SHARE

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soconaysa magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa in maalinta beri ah uu dalka ku soo laabto.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada  Muqdisho,waxaana jirara warar kala duwan.

Xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyagoo iska wareysan doono xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku ku jiro.

Ilo wareedyo  ayaa sheegaya inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig.

Mudane Xasan Shheekh maxamuud ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka.

LEAVE A REPLY