SHARE

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasey meydka Allaha u Naxariistee Madixii Gaadiidka Booliska Xarunta dambi-baarista ee CID-da oo saaka lagu dilay degmada Waaberi ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalka ay dileen saaka kooxo ku hubaysan bistoolado,waxa ayna saakay ku dileen agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi xilli uu ka soo baxay Hoygiisa,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Isbitaalka Madoona ee Magalada Muqdisho,waxaana aaskiisa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Saraakiishii ka qeybgashey aaskiisa ayaa waxa ay sheegeen in Sarkaalka uu ahaa Nin fir fircoon oo Shaqadiisa ka adag,balse ay dishay gacan ka xaqdaran.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kajiray muddooyinkii ugu dambeeyey dialal qorsheysay oo loo geysanayay dhamaan dadka waxtarka u leh bulshada

LEAVE A REPLY