SHARE

Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa maanta waxa ay Alshabaab kagala  wareegeen deegaanka Gaaywiroow oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii aysan gaarin deegaankaasi ayaa waxaa dhexmaray dagaal iyaga iyo Alshabaab,iyadoo markii dambe alshabaab ay isaga bexeen Qoryooley,sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Warar rasmi ah lagamahayo in ay baaqi kusii noqon doonaan ciidamadan qabsaday tuulada Gaaywiroow oo ku dhaw magaalada Qoryooleey iyo in ay sii socobdoonaan.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda eek u aadan weerarkaasi,waxaana beryahan halkaasi ka jiray dagaalo u dhexeeya Shabaab iyo ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY