SHARE
100518-M-6935H-012 An MV-22B Osprey aircraft exits Landing Zone Condor in North Carolina after conducting a helicopter support team external lift with Logistic Officers Course 10-03, as part of a field exercise known as Operation Blue Devil on May 18, 2010. The field exercise is designed to give familiarity training to student logistics officers in real world logistics operations. The five-day exercise consists of day and night convoys, an external helicopter support team lift and rappelling assaults against small attack forces. DoD photo by Lance Cpl. Matthew L. Hebert, U.S. Marine Corps. (Released)

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Itoobiya,Diyaarad Millatari oo nuuca Helicopter-ka ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxa ay ka dejisay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo laba maalmood ka hor xilka ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase,waxaana lagu wadaa in uu la kulmo madaxda Itoobiya.

Millatariga Itoobiya ayaa shalay jirdil kadib waxa ay magaalada Jigjiga ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud waxayna u duuliyeen dalka Itoobiya,lamina oga sida xaalkiisa uu noqon doono,balse siweyn ayaa loo hadal hayaa arrintaasi.

Waxaa la sheegay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud markii la geynayay Itoobiya ay la socdeen saraakiil ka kala tirsan Ciidanka Liyuu Boolis iyo kuwa Itoobiya, balse ilaa hadda si dhab ah looma oga xaalada uu ku sugan yahay Cabdi.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah Odayaasha ku dhaqan magaalada Jigjiga ee sida aadka ah ula socday markii la kaxeynayay Cabdi Maxamuud ayaa yiri “Wallaalow waxa ka socda Jigjiga wax la sheegi karo ma ahan, Ciidanka Millatariga Itoobiya oo tiro ahaan gaaraya 6,000 oo askari ayaa isku geedaamay guriga Cabdi Maxamuud, kahor inta aysan kaxeysan ayay six un u jir dileen, waxay u garaaceen si arxan daran, kadibna way kaxeysteen, magaalada dadkii ku noolaa waxay noqdeen kua cararay iyo kuwa la dilay, kuwa yar ee harayna hada ayay barakacayaan, waxaan codsaneynaa in gurmad lala soo gaaro dadkan.

Sidoo kale warar dheeraad ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud ee la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi Maxkamad lagu soo taagi doono.

LEAVE A REPLY