SHARE

Mudane Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howgal ay Shabaab uga saarayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Galmudug..

Wasiir Mahad Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray  in diyaar garawgii ugu danbeeyay ay ku jiraan dhawaanna uu bilaaban doono howlgal balaaran oo Shabaab looga saarayo dhulka Galmudug.

Meelaha qorshuhu uu yahay wxaaa kamid ah,Degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer,Galhareeri, iyo Xarardheere oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,kuwaasi oo uu sheegay wasiir ku xigeenku uu sheegay in ay doonayaan in Shabaab ay ka saaraan.

Al-Shabaab ayaa deeganada Galmudug dhowrkii bilood ee ina dhaafay waxa ay soo saareen culeeys lixaad leh, iyada oo meelaha qaarna ay ku dagaalameen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab iyo dadka shibilka ah.

Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay haween ku xirxireen deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug kadib markii ay diideen in ay u hoggaansameen amaro ay ku soo rogeen oo ah in ay siiyaan caruur ay askareeyaan.

LEAVE A REPLY