SHARE

Warar laga helayo degmada Kaarana ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi manta lagu dilay askari ka tirsan militariga Soomaaliya,xili uu halkaasi ku suganaa.

Kooxo hubaysan ayaa Askarigaan dil u geystay ayaa xilli uu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo Degmada Kaaraan, dableyda hubaysana ay ku dileen meel aan sidaasi kaga fogeyn gurigiisa,islamarkaana baxsaday dilka ka dib.

Goobta dilkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa durba gaaray Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Kaaraan,waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Mudooyinkan dambe ayaaa alshabaab waxaa ay kordhiyeen dilalka qorsheysan oo ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY