SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay ain halkaasi ay ka socdaan howlgalo lagu baadi goobayo Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Boosaaso ku dilay masuul ka tirsanaa shirikadda isgaarsiinta Golis ee ka shaqeysa deegaanada Puntland.

Waxaa mas’uulkan la dilay magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Cali, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa mareeye ku xigeen ka tirsan Shirikadda isgaarsiinta Golis.

Falkaasi dilka ah ayaa dhacay isaga oo kasoo baxayay masjid uu kusoo tukaday salaaddii cishaha, kooxdii dilka geeysatana durbadiiba goobta ayay isaga baxsadeen.

Ciidammada amaanka ayaa goobta soo gaaray dilka kadib, waxa ayna bilaabeen howgallo ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka geysatay,saraakiisha ammaanka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilkaasi xalay dhacay.

Falalka dilka ah ayaa intabadan caadi ka noqday magaalooyinka Gobolada Dalka Soomaaliya qaar kood

LEAVE A REPLY