SHARE
In this grab taken from video provided by ERITV, Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, centre right is welcomed by Erirea's President Isaias Afwerki as he disembarks the plane, in Asmara, Eritrea, Sunday, July 8, 2018. With laughter and hugs, the leaders of longtime rivals Ethiopia and Eritrea met for the first time in nearly two decades Sunday amid a rapid and dramatic diplomatic thaw aimed at ending one of Africa's longest-running conflicts. (ERITV via AP)

Abiy Axmed Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo shir khaasa la yeeshay Wasiirada Xukuumadiisa ayaa kala hadlay xiisada ka taagan dhulka Soomaalida ee sii kordhineysa dhiiga daadanaaya,kadib markii uu sii fogaaday khilaafka halkaasi ka taagan.

Ra’isul wasaare Itoobiya ayaa Wasiirada wuxuu hordhigay sida laga yeeli lahaa xiisada waxa uuna kala tashtay inay muhiim tahay in arrinta xiisada DDSI ay xukuumada u wakiilato xubin ka tirsan Wasiirada waxaana leysku raacay in loo xilsaaro Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopia lagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Waxaa loo sheegay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

 

LEAVE A REPLY