SHARE

Iyadoo isbedel lagu sameeyay arrimaha amniga Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya ciidamada sugaya nabad geliyada isgoysyada Muqdisho,si amaank aloo adkeeyo.

Isgooysyada qaar ayaa lagu arkayaa ciidamadii nabad sugidda oo dhawaan la qaaday,waxaana meelaha qaar si wada jir ah u jooga booliska iyo nabad sugidda.

Hadal haynta ayaa ah in Ciidammada Isgooysyada lagu arkay ay ku labisnaayeen dharka ciidammada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska,waxaanaMeelaha lagu arkay ciidankan kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.

Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda.

Magaalada Muqdish ayaa muddo gaaban waxaa isku badbadalay amnigeeda ciidamo kala duwan oo isugu jiro Nabadsuhid, Militari iyo Boolis.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu amray in la furo jidadka Muqdisho isla markaasna laga qaado ciidamada ku sugan oo ahaa kuwa ka tirsan ciidamada Xasilinta oo uu markii dambe Madaxweynaha kala diray dhamnaantood.

LEAVE A REPLY