SHARE

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Canada.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso mowqifka Sacuudiga ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada,waxaana u muuqatay in dowladdu taageertay Sacuudiga.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaaro.

Wasiir Cawad Waxa uu sheegay  isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka caroon karto dowladda Canada balse ay csdeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliilern Warsaxaafadeedkii ka soo baxsy Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada.

LEAVE A REPLY