SHARE

Wararka laga helayo deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya,gaar ahaan magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegay in Xiisadaan ay u dhaxeyso Ciidamada liyuu boolis iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ciidamada Federaalka Itoobiya,kadib markii dhawaan ay halkaasi isbedelo ay ka dheceen.

Askarta  liyuu booolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka caroodeen ciidamada fedraalka Itoobiya oo Magalada Jigjiga ka kaxeysay Madaxweynihij xilka baneeyey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,taasi oo dhalisay qalalaaso xoogan.

Warar dheeraad aha yaa tilmaamaya in dadka deegaanka qaarkood ay bilaabeen in ay ka fogaadeen halka ay isku hor-fadhiyaan si hadii uu dagaal dhaco aysan dhibaato uga soo gaarin.

Dhinaca kale Odayaasha Magalada Dhagax-Buur ayaa waxa ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeysa Ciidamada liyuu boolis iyo kuwa federaalka Itoobiya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey rabshado maamlahanba ka taagnaa halkaasi,iyadoo la arkayay meydad iyo dad la jirdialayo dhinacyada is haya.

LEAVE A REPLY