SHARE

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Macalin ayaa ku dhawaaqay in uu  iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradaasi.

Warqad uu soo saaray Xoghayaha ayuu  ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta.

Wuxuu intasi ku daray Maxmed Macalin  inay kala aragti duwanaansho u dhaxaysay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Xamza Saciid Xamza, islamarkaana aanu ku qancin qaabka shaqo ee wasiirka.

Warar ayaa sheegeen in is casilaaddan ay la xiriirto kiis dhawaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u Dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi, kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay xatooyo xoolo dadweyne.

Maalmahan dambe waxaa jiray is qab qabsi mararka qaar soo kala dhexgala Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda iyo masuuliyiinta ka hoos shaqeeya, waxaana dhacda mararka qaar inay soo saaraan warqado isku jawaabid ah oo awood sheegasho ah.

LEAVE A REPLY