SHARE

Rag ganacsato ah oo ka ganacsanayay maandooriyaha Xashiishka ayaa lagu soo bandhigay Magalada Kismaayo ee Xarunta dowlad Goboledka Jubbaland,kuwaasi oo ay soo qabteen ciidamada amaanka.

Kadib markii Howlgal balaaran oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Jubbaland kana sameeyeen xaafado kuyaala Magalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo qabteen laba Nin oo Gacanta kula jiray ka Ganacsiga Maandooriyaah Xashiishada,kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira ciidamada amaanka.

Saraakiil ka tirsan Booliska Jubbland oo goobjoog ka ahaa Goobta lagu soo bandhigay Raggaas ayaa waxa ay sheegeen in dhawan Maxkamad la soo taagi doono si cadaalad ay u helaan.

Horay ayaa dhowr Ciidamada Booliska Jubbaland waxa ay Gacanta ku dhigeyn Rag isticmaalayey,isla markaana ka Ganacsanayey Maandooriyaha Xashiishka.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshayaal dowlad goboleedka Jubbaland ay ku doonayso sidii ammanka loo adkeyn lahaa

 

LEAVE A REPLY