SHARE

Siminaarkan Aqoon Kororsiga ah ayaa waxaa ka Faa’IIdeysanayay 200 oo ah  Macalimiinta Wax ka Dhiga Dugsiyada Sare  ee ku yaala  Gobolka Banaadir iyo Qaar Ka Mid ah Gobolada Dalka kaasi oo uu ka soo qeylay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xakuumada Federaalka Soomaaliya soona qaban qaabiyay Maamulka Jaamacdda SIU ayaa lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Siminaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay macalimiinta  wax ka dhiga  Dugsiyada Sare ee Dalka  Waxaana loogu tala galay in sare loogu qaado Aqoonta  Macalimiinta Soomaaliyeed si loo tayeeyo Tayada Macalimiinta Soomaaliyeed

Agaasimaha Xafiiska Arimaha Bulshada ee Jaamacadda Somali International University SIU ayaa ka Warbixiyay Muhiimada  Siminaarkan uu u leeyahay  Macalimiinta Soomaaliyeed  COD

Siminaarkanwaxuu wax weyn ka badali doonaa aqoonta macalimiinta soomaaliyeed waxaan rajeynayaa in ay ugu faa.iideeyan bulshada soomaaliyeed

Gudoomiye ku Xigeenka Jaamacadda SIU Shaafici Diiriye Cabdi ayaa ka Hadlay Ujeedada laga leeyahay  Siminaarkan Wuxuuna kula Dardaarmay Macalimiinta ka Faa’iideysanaya  Siminaarka in ay ugu faa’iideeyaan Bulshada Soomaaliyeed

Macalimiinta waa in ay  xooga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen tahayada waxbarashada ardayda soomaaliyeed  si loo helo arday diyaarsan ee mustaqbalka wax soo saara  jiilwanaagsan

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya doctor c/shakur sheikh xasan ayaa ku Booriyay Macalimiinta Soomaaliyeed Dowrka ay ka Qaateen Tarbiyeynta Ardayda Soomaaliyeed .

 

LEAVE A REPLY