SHARE
In this grab taken from video provided by ERITV, Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, centre right is welcomed by Erirea's President Isaias Afwerki as he disembarks the plane, in Asmara, Eritrea, Sunday, July 8, 2018. With laughter and hugs, the leaders of longtime rivals Ethiopia and Eritrea met for the first time in nearly two decades Sunday amid a rapid and dramatic diplomatic thaw aimed at ending one of Africa's longest-running conflicts. (ERITV via AP)

Ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itooba ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, halkaasi oo ay u joogaan arrimo ay kamid yihiin xaaladaha siyaasadeed ee dalkaasi ku soo kordhay.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee XDSHSI iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjari doono.

LEAVE A REPLY