SHARE

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoogamaaniyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea,kaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde e Muqdisho.

Cusmaan Saalax Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa hoggaaminayay wafdigan , waxaana kamid ah la Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab sida loo xaqiijiyay Idaacadda Kulmiye.

waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wafdiga ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , waxaana la tilmaamayaa in loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulamo ku leeyihiin.

Waxay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladda Soomaaliya,iyagoo ka shiraya sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal

LEAVE A REPLY