SHARE

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee qaabilsan miina-baarka ayaa Maanta waxa ay qarixiyeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la geliyey Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho,taasi oo shacabku ay waxyeelayn lahayd.

Cabdi Kariin Cali Kaar Guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegay in Miinadaas ay ka warheleen in Goobta la dhigay,isla markaana ay ku wargeliyeen Ciidamada Booliska qeybtooda Miina-Baarka,sidaasina lagu qarxiyey.

Sidoo kale Waxa uu guddoomiyuhu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen Al-Shabaab,iyaga oo doonayey inay Shacabka soomaaliyeed ku laayaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Cabdi Kariin Cali Kaar Waxa uu uga mahad celiyey Ciidamada Miina-baarka sida ay ugu guuleysteen fashilinta miinadaas la dhigay Isgoyska Bakaaraha,isla markaana qarixiyey,iyada oo aan cidna waxba ku noqon.

LEAVE A REPLY