SHARE

War ay soo saareen ururka Alshabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho,gaar ahaan degmaad Hodan.

Alshabaab ayaa Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ku burburiyay dhismaha xarunta maamulka degmada Hodon.

Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gaarigiisa ku qarxiyay bartamaha xarunta degmada Hodon ee bartilmaameedka ku aheyd.

“Al-Shabaab istish-haadi ah ayaa gaari ku beegsaday xarunta Kooxda degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, camaliyadda ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur xooggan oo gaaray dhismaha”ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Lama oga ilaa iyo haatan qasaaraha rasmiga ah,balse waxaa wararku ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo qofooda.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa ah xasaasi waxaana ammaankeeda si aad ah u ilaaliya ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo degmada Howlwadaag qarax kaasi lamid ah lagu weeraray dhawaan,kaasi oo qasaare dhaliyay.

LEAVE A REPLY