SHARE

Kulan lagu taageerayay  xisbiga Dadka iyo Dalka oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed oo ay dhawaan aqoonsaday guddiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanat lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi mas’uuliyiinta sare ee xisbigaasi,xubnaha xisbiga aqoonyahano,waxbgarad,dhalinyaro iyo haween,kuwaasi oo soo bandhigay aragtidooda ku aadan dowrka xisbigan uu ka qaadan karo dadaalka loogu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo sanadka 2020.

Dadka goob jooga ahaa waxaa kamid ah,Maryan Maxamed Cabdi guddoomiye kuxigeenka labaad ee Xisabida Dadka iyo Dalka,Maxamed Faarax Ciise Gaashaan,Dr Saqaawe,C/weli Axmed Cabdi,Farxiya Maxamed Warsame,Cabaasi Yaasiin iyo mas’uuliyiin kale,kuwaasi oo dhamaan siweyn u taageeray soona dhaweeyey in xisbiga uu kamid noqdo xisbiyaad ay dowladu aqoonsantahay.

Dhamaan xubnihii ka qeybgalay kulankan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa qorshaha iyo waxqabdka xisbiga,guud ahaan 18ka gobo lee Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in ay rajaynayaan in ay kamid noqdaan xisbiyada ku guuleysta buuxinta shuruucda Axsaabta,si ay uga qeyb qaataan ololaha doorasho ee dalka uu geli doono sanadka 2020.

Waxaa dhawaan la diwaangeliyay in kabadan 20 xisbi,kuwaasi oo midkasta doonayo in uu ku guuleysta howlaha doorashooyinka dalka ka dhacay,waxaana xisbi kasta xisbi kasta.

LEAVE A REPLY