SHARE

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), madaxweynaah Galmudug ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyin farabadan oo uu sheegay in maamulkiisa ay ku hayan mucaaradka,isagoo faah faahiyay sababta,wuxuuna Xaaf sheegay in mucaaradka ay tiitiimo u beerayan maamulkiisa isla markaana ka shaqeynayan sida ay ku burburi laheyd Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna cod dheer ku sheegay inuu aad ula socdo dhaqdhaqaaqa mucaaradka.

Sidoo kale Wuxuu madaxweynuhu sheegay in la isku qaban karo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu ka dalbaday xubnaha dhaliilsan siyaasadiisa in aysan marnaba qaadan qorshe ku aadan duminta maamulka Galmudug.

“Waxaa jira mas’uuliyiin badan oo aad iiga soo horjeeda hadii aan kala siyaasad duwanaanay maaha inay ka shaqeeyan duminta maamulka, waxaan doonayaa inad iga qafiifisan culeyska”

Sidoo kale, Mucaaradka ayuu sheegay inay isugu jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo xilal ka haya maamulkiisa oo iyaguna diidan siyaasada Xaaf”.

 

LEAVE A REPLY