SHARE

Ciidamada  Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Saakay weerar ku qaadeen deegaano u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Bilihii ugu dambeyay.

Meelaha ay ciidamadu weerarka ku qaadeen ayaa lagu kala Magacaabaa Tuulooyinka Baqdaad iyo Aadan-seeraar oo hoostaga degmada Afgooye  iyo deegaanka Kala-wareega oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee labada Shabeelle.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegeen in Ciidamadaas howlgalka wada ay saakay  Aroortii hore ka soo Amba baxeen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha hoose,isla markaana qorshihooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab deegaanadaas uga saari lahaayeen.

Mid ka mid  Dadka kunool deegaanada weerarka lagu qaaday oo diiday in  Magaciisa iyo Codkiisa Warbaahinta loo adeegsado  ayaa  sheegay inuusan halkaasi ka dhicin dagaal islamarkaana ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sinabad ah kula wareegeen.

LEAVE A REPLY