SHARE

Axmed Maxmed Islaam(Axmed Madoobe  )madaxweynaha Jubbaland oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Madaxweyne Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ka laabteen go’aano ay horay u gaareen, balse iminka ay adkaan doonto dib uga laabashada go’aanka.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay si ku tallo gal ah uga meermeereyso xaqiiqda, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in iyaguna ay ka meermeeri doonaan wixii jira.

Sidoo akle Wuxuu sheegay Hogaamiyaha inay dhici karto isku soo dhawaanshi, balse ay ku imaankarto waddo xalaal ah oo aan laga weecan doonin.

Waxa uu carab dhabay in isku soo dhawaanshaha ay ku imaankarto keliya dowlada Somalia oo qirato khaladaadka ay ku heyso maamulada, sida uu hadalka u dhigay mar uu la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka.

Axmed Madoobe  Waxa uu sheegay inuusan garankarin si ay kula shaqeeyan dowlad aan la dhaqmeynin maamulada hoosta, sida uu yiri waxa uuna untaa ku daray in madaxda dalka laga doonaayo inay wanaajiyaan siyaasada ay ku dhaqmayaan.

 

LEAVE A REPLY