SHARE

Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray go,aankii ay madaxda Maamul Goboleedyada xiriirka ugu jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib  war murtiyeed kasoo baxay shirkii Kismaayo.

Golaha wasiirada Puntland oo dood badan arrintaan ka yeeshay ayaa ugu dambeyn isku raacay in la taageero go,aankii Maamul Goboleedyada.

Xubno  ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa diidan wixii Kismaayo kasoo baxay.

Go,aankaas ayaa Golaha wasiirada Puntland ku tilmaameyn inuu ahaa mid dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa muujinaysa in la isku khilaafsanyahay arriamaha siyaasadda guud ee dalka gaar ahaan shirkii Kismaayo waxyaabihii ka soo baxay.

LEAVE A REPLY