SHARE

Jarmalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la joojiyay mashruuc dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo kadib markii soo baxeen arrimo musuq la xiriira.

Safaarada Jarmalka ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya War-Saxaafadeed ka soo baxay  ayaa  lagu sheegay in mashruuca Wadadaas lagu dhisayay ay u joojiyeen sababo la xiriira daahfurnaan la’aan ka timid  dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA).

Sidoo kale War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in mashruuca dhismaha uu qorshuhu ahaa inuu bilaawdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,balse uu ku suurtageli waayey daahfurnaan ka timid dhinaca Hay’adda Wadooyinka Puntland ee dhinaca PHA.

Warka ka soo baxay Safaarada Nairobi ee Dowladda Jarmalka ayaa sidoo lagu sheegay in joojinta mashruuca lagu dhisayey Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo la ogeeysiiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Si kastaba Shalay ayaa joojinta dhismahaas waxaa War ka soo saarey Puntland focus Group oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland.

Mashruuca Dowladda Jarmalka ay fulin laheyd ayaa waxaa loogu tala-gelay,dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga,gaar ahaan inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

 

LEAVE A REPLY